Grenfell Communications Somali

Overview

Guudmarka

Wasaarada Guriyeynta, Bulshooyinka, iyo Dawlada Hoose (Ministry of Housing, Communities, and Local Government (MHCLG)) waa waaxda dawladda ee hogaaminaysa jawaab ka bixinta musiibadii ka dhacday Grenfell Tower. Waxaan: 

  • Hogaaminaa jawaabta Dowlada ee ku aadan Codsiga Grenfell Tower, waxaana ka shaqeynaa kor u qaadista badqabka guryaha, badqabka dabka iyo dib u habeyn ballaaran.   
  • Masuul ka nahay wadaagista macluumaadka iyo wararka cusub, iyo inaan yeelano wadahadal laba-dhinac ah, oo lala yeesho qof walba oo ay saameysay musiibadii ka dhacday Grenfell Tower. 
  • Taageernaa Ra'iisul Wasaare ku xigeenka iyo waxaana Wasiirka Amniga iyo Dabka ka taageernaa xiriirka uu la leeyahay bulshada Grenfell. 
  • Ka taageernaa Guddiga Madaxa bannaan ee Xuska Grenfell Tower shaqadooda si ay u go'aamiyaan xusuus habboon oo waarta, oo ayna hormuud u yihiin bulshadu. 
  • Ka shaqeynaa si aan u hubino in codadka bulshada Grenfell laga maqlo dawlada oo dhan lana xariira arrimaha aad danaynayso. 
  • Ka shaqeynaa gudaha dawlada oo dhan iyo gollaha deegaanka, adeegyada NHS ee deegaanka, iyo kuwa kale si aan u hubino inaad hesho taageerada aad u baahan tahay. 
  • Si badqab leh u maareynaa goobta Grenfell Tower, waxaana hubinaa in dhammaan shaqadu ay u qabsoontay si xasaasi ah oo xushmad leh iyo in bulshada qayb ka yihiin tallaabo kasta oo horumar, oo ay ku jirto: 

 

Saacada

Foomka fikraduhu wuxuu furnaan doonaa xagaaga oo dhan, waxaanna si joogto ah dib u eegis ugu samayn doonnaa jawaabihiina. Aragtidiinu waxay naga caawin doontaa sidii aan u qorshayn lahayn xiriirkeena xiliga jiilaalka iyo kaddibba.

Why your views matter

Maxay aragtidaadu muhiim u tahay

Dowlada waxaa ka go'an inay taageerto bulshada Grenfell hadda iyo mustaqbalka fogba. 

Waxaan doonaynaa inaan si toos ah u maqalno rayigaaga ku aadan sida aad u door bidayso inaad hesho wararka ku saabsan shaqadeena ka jawaabista masiibada iyo wax ka qabashada mudnaantaada iyo walaacyadaada.

Haddii aad ka mid tahay bulshada Grenfell—haddii aad tahay qoys qof ka dhintay, qof masiibada ka badbaaday, ama qof degan xaafada goobta u dhaw—fadlan nala wadaag aragtidaada adiga oo buuxinaya foomka jawaab celinta degdegga ah ee ku jira lifaaqa hoose.